Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in uu gaaro magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasi oo ay taallo gogosha shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Maanta ayuu qorshaha yahay in madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ay gaaraan magaalada Jowhar.
Ammaanka guud ee magaalada ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana la arkayaa ciidan badan oo isugu jira Booliis iyo Nabad sugid oo taagan dhammaan waddooyinka magaalada.




From the comments