U bood dhigaalka

War-murtiyeedKa Ka soo Baxay Shirka Madasha Hoggaanka Qaran Ee Muqdisho Oo Dhameystiran

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka madasha hoggaanka qaran ee Muqdisho, Kulanka madasha hoggaanka oo socday 6-14-ka bisha ayaa laga soo saaray war murtiyeed, qodobada shirka halkan ka akhriso.

War Murtiyeedka Shirka:

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay kulanka una Mahadceliyay beesha caalamka isagoo hoosta ka xariiqay in mudda yar ay harsan tahay lana dardargeliyo doorashooyinka iyo beesha caalamka ilaaliyaan balan-qaadyada.

Ergeyga gaar ah ee qaramada midoobey waxaa uu kuu dhiirigeliyay dhameystirka  maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, geedi u socodka dib u eegista dastuurka iyo arrimaha doorashda 2016-ka.

Madasha waxaa ay guddiyada doorasho ee heer federal iyo gobol ku bogaadisay horumarka laga gaaray diyaargarowga loogu jiro geedi u socodka doorashada 2016-ka oo ay ka mid yihiin kullamada u bilowday Odoyaal dhaqameedka oo looga arrinsanayo diyaarinta ergooyinka doorashada dadban ee 2016-ka.

Daah-furnaan Doorashada: Madasha waxaa ay ku celisay in doorashada noqon doonto mid hufan oo lagu kalsoonaan karo lana badali doonin mabaa’dida asaasiga ah ee doorashada.

Madasha Waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda wacyigelinta dadweynaha.

Xubis kasta oo madasha ka mid ah waxaa uu saxiixay warqadda xeerka anshaxa ee hufnaanta howlaha doorashooyinka dadban.

Madasha waxaa ay ku boorineysaa dadka u tartamaya Xildhibaannimada iyo xilka madaxweynaha in ay saxiixaan warqaddan hufnaanta doorashada.

Guddiga doorashada waxaa la doonayaa in ay xaqiijiyaan in Muarashax kasta ka hubiyaan in codsigiisa ku lifaaqan yahay  xeerka anshaha.

Madasha waxaa ay ku celisay in hey’ado Soomaaliyeed iyo kuwoo caalami ah ay Goobjoog ka ahaadaan doorashada.

Guddiga doorashada dadban ee heer federal waxaa in uu dhameystiraa hab-raacyada iyo sharciyada doorashada, marti-qaadna loo fidiyo xubnaha hey’adaha Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah.

Miisaaniyadda doorashada: Madaxda waxaa ay wal-wal ka muujiyeen miisaaniyadda lagu fulinayo doorashada, waxaa kaloo ay sheegeen in miisaaniyadda qaranka 2016-ka aaney ku jirin qoondo ku saabsan doorashada 2016-ka.

Madasha waxaa ay go’aansatay in doorashooyinka lagu fuliyo waqtigii loo qorsheeyay, waxaa ay ballan-qaadeen in doorashooyinka ay ku dhici doodaan sida ay qorsheeyeen guddiga doorashooyinka dadban.

Madasha waxaa ay soo jeediyeen in Miisaanyidada doorashada 2016-ka ay isku tashadaan dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, iyadoo aan meesha laga saareyn beesha caalamka.

Madasha waxaa ay soo dhaweysay dib u eegista dowladda ku sameysay miisaaniyadda 2016-ka, kuna dareyso  qarash lagu maamulayo am laga bixiyo doorashada dadban ee 2016-ka.

Ra’isul wasaaraha waxaa loo wakiishay in beesha caalamka ku adkeeyo in ay fuliyaan lacagihii ay ballan-qaadeen.

135-ta Oday waa Odoyaasha saldhigga ah u ah liiska Odoyaal dhaqameedka Soomaaliyeed, Liiska asalka ah waxaa lagu daray duubkii lagu badalo duub geeriyooday.

Odoyaal dhaqameedka beeshiisa ay kala degto labo deegaan waa uu wakiil ka yahay halka uu deggan yahay halka uu wakiil u dooranayo meelaha kale.

Madasha waxaa ay sheegtay in Ugaas Xasan Ugaas Khalif uu yahay duubka beesha Xawaadle ugu jira liiska 135-ta.

Oday dhaqameedkii tagi-waayo goobta doorashada dadban ka dhacesyo ama ergay u dirsan waaya, waxaa arrinkaas la wareegaya guddida doorashada dadban iyo maamul goboleedka uu kursiga yaallo, si beesha u soo xulato 5 nabadoon oo midkood madax yahay.

Beelaha kuraasta leh balse aan oday dhaqameed ugu jirin 135-ta, waxaa saxiixaya isla odaygii u saxiixay 2012-kii isagoo wada tashi la sameynaya cidda ama beesha kursiga iska leh.

Kuraasta beelaha Ruts-ka ee  goloyasha baarlamaanka waxaa uu saxiixaya odayga reer Rutska ugu jira 135, lana tashanaya odaoyasha kale.

Labada kursi ee beesha Mushuguli waxaa ka tashanaya jubblanad iyo Koogur Galbeed.

Beelaha golaha shacabka ku leh 3 kursi waa in midkoood ahaato Haween.

Beelihii diida soo bandhigga kursiga haweenka, kursigaas waa la laalayaa.

Aqalka sare, waa in dowlad goboleed kasta xqiijiso 30% in haweenka noqdaan.

Madsha waxaa ansixisay waajibaadka iyo shaqada guddiga khilaafaadka, waxaana la dhisay, lana ansixiyay xubnaha guddiga oo ka kooban 25 xubnood.

Beesha caalamka waxaa loogu baaqay in ay ku darto khubaro la taliya guddigan.

Guddiga oo kaashanaya khubarada waxaa loogu baaqay in uu sameyso xeer nidaamiye dacwo qaadiska lagu soo afjarayo cabashooyinka.

Guddiga waa in uu kulmaa todobaad gudahiisa oo ka bilaabeysa taariikhda magacyadooda la soo bandhigay.

Goobjoog News