Dibadbax Ka Dhan Ah Qaadka Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Shacab badan ayaa maanta dibadbax ay ku diidan yihiin Qaadka waxa ay ka dhigeen magaalada Muqdisho gaar ahaan Wadada Wadnaha iyo Waddooyinka gala Suuqa weyn ee Bakaaraha.
Waxay dadkani ku hadaaqayeen erayo ay ku muujinayaan in aysan dooneyn in Qaadka dalka la keeno, iyaga oo sheegayey in Qaadka dhaqaale badan ay ku baxdo.
Qaar ka mid ah dadka dibaxa dhigayey oo la hadley Goobjoog News ayaa dowladda Federaalka waxay ka codsadeen in la joojiyo guud ahaan Qaadka dalka la keeno.
“Maalin walbo Malaayiin doolar baa nalaga qaataa, waxaan leenahay ma rabno Qaad, Uhuru Kenyatta waxaan leenahay Qaadka suuq kale u raadso, Soomaaliya ma ahan suuqa qashinka, sun ayuu inoo keenayaa annagane soor ayaan siineynaa, dowladda Federaalka waa in si degdeg ah u aqbashaa dalabkeena” sidaasi waxaa yiri mid ka mid dadka dibaxa dhigayey.
Shalay waxaa magaalada Muqdisho yimid diyaarado Qaad ka keenay dalka Kenya kadib markii dowladda Federaalka ay dibu fasaxday in Qaadka loo iibkeeno Soomaaliya Todobaad uu xayirnaa kadib.
Goobjoog News