Bam gacmeed ayaa habeenkii xalay ahaa lagu weeraray hoyga uu degmada Baardheere ka deggan yahay guddoomiyaha maxkamadda degmada degmadaasi, kaa oo khasaare geystay.
Labo dhallinyaro ah ayaa la sheegay in Bamkan ay ku tuureen guriga guddoomiyaha, waxaana la xaqiijiyey in halkaasi Hal qof dhaawac fudud kasoo gaaray.
Waxaa goobta ka baxsadey raggii Bamkaan tuuray, iyadoo ciidamada ammaanka xalay illaa saakay degmadaasi ka wadaan howlgallo.




From the comments