Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ka kooban Labada gole ee dowladda ayaa goor dhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabellaha Dhexe, Odayaal dhaqameed iyo shacab badan ayaa madaxweynaha kusoo dhoweeyay magaalada Jowhar.
Amniga guud ee degmada Jowhar ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana xiran qaar ka mid ah waddooyinka degmadaasi.




From the comments