Howlgal ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in maalinimadii Shalay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya midowga Afrika ayaa weerar ku qaaday xero tababar oo ay Al-shabaab ku lahaayeen degmada Awdheegle ee gobolka shabellaha Hoose iyadoo halkaa lagu dilay tiro ka mid ah dagaalyannadii Al-Shabaab oo uu ka mid ahaa sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa degmadaasi, iyadoo sidoo kalena gacanta kusoo dhigay hub iyo rasaas, waana sida uu sheegay afhayeen u hadlay AMISOM oo la yiraahdo Col. Joe Kibet kaas oo u waramay wakaaladda SONNA.
” Ciidankeennu waxay dileen hoggaamiyihii al-Shaab ee magaalada waxayna dhaawaceen kuwo kale, ciidankeena iyo kuwa SNA waxay kaloo ay gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas maanta” Afhayeenka ayaa sidaasi yiri




From the comments