Maanta oo Jimco ah waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaaray siyaasiyiin u badan kuwa hoggaamiya xisbiyada mucaaradka ee dalka ka jira.
Garoonka diyaaradaha ee B/weyne waxaa lagu soo dhaweeyay siyaasiyiinta kala ah Musharax C/raxmaan C/shakuur, Ra’iisul wasaare hore C/weli Sheekh Axmed, Guddoomiyahii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Dr C/raxmaan Macallin Baadiyow iyo mas’uuliyiin kale.
Siyaasiyiintan tagey B/weyne oo ku mideysan Isbahaysiga xisbiyada ayaa waxay kulan la qaateen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo arrimo badan ay ka wada hadleen.





From the comments