Dhibaatada ka jirta dalka Suuriya ayaa la sheegayaa in ay hareyn doonto shirka jimciyadda qaramada midoobey ee New York.
In ka badan 135 hogaamiye iyo Wasiirro tiro badan ayaa isugu tagi doona xarunta jimciyadda qaramada midoobey ee New York si looga hadlo arrimo badan caalamka khuseeya.
Shirkan waxaa uu ku soo beegmayaa xilli Mareykanka iyo Ruushka ay wadaan in xabad-joojin ka hirgasho dalka Suuriya, iyadoo Obama sidoo kale uu riixayo in si guud garggaar loola gaaro qaxootiga.




From the comments