Jamaal Cali Xuseen oo ah murashaxa Madaxtooyada xisbiga UCID oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ka dib kulankii maanta ee dhageysiga dacwadda xisbiga ayaa guul ka sheegtay fadhigii dacwadda ee ka furmay maxkamadda sare.
Musharax Jamaal ayaa xusay in fadhigii maanta ee dhageysiga dacwadda garabyada is haya ee gudaha xisbiga ee ka furmay maxkamadda sare ay guul u arkaan dhinacooda, waxaanuu yiri:
“Dooddii halkaa maxkamadda sare ka dhacday guulbaanu tisaneynaa oo guulbaan u aragnaa, maxkamaddii sare waxay banneysay dood saraaxi ah aad u wanaagsan su’aalo wanaagsan oo sharciga ku saleysan ayaa nala waydiiyay, halkaa waxaa ka cadaatay inuu Faysal Cali Waraabe gacantiisa isku gowracay markii uu yiri anigaa doortay golihii dhexe, laakiin sharcigaa la eegayaa. Xisbiga waa lagu bahoobay, bahweyn buu ahaa go’aanka kama dambeysta ahna waanu filaneynaa kheyrbaanu filaneynaa guulbaanu filaneynaa”.




From the comments