Qarax Ismiidaamin ah ayaa maanta waxa uu ka dhacay albaabka hore ee xerada Guul wadayaashe oo ku dhow xarunta wasaaradda difaaca Soomaaaliya ee magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare geystay.
Qof watey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ay isku qarxiyey gaari uu la socday taliyaha Guutada Saddexaad ee ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Jimcaale Rooble Goobaale, xilli uu kasoo baxayey xerada Guul Wadayaasha.
Waxaa halkaasi ku dhintay Taliyaha iyo sidoo kale 6 ka mid ah ilaaladiisa sida Goobjoog News u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.





From the comments