Maalmihii dambe waxaa degaannada Galmudug ku sii qulqulayay xubnaha musharrixiinta ah ee u loolamaya ka mid noqoshada baarlamaanka dowladda cusub kuwaas oo soo dhoweyn iyo kulamo loogu qabanayay degaannada ay tagayeen.
Maamulka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta soo saaray amarro cusub oo ku aadan musharrixiinta soo gaaraya magaaladaasi.
Guddoomiyaha Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in aan la ogalaan doonin in la sameeyo isu soo bax ama soo dhoweyn musharrax loo sameeyo oo maamulka uusan ka war heyn.




From the comments