Guddoomiyaha wasaaradda waxbarashada gobolka Sanaag Aniis Saalax Xaaji Xasan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Ceerigaabo ayaa sheegay in iskuullaadkii gobolka intooda badan ay u xiran yihiin dagaallo sokeeye oo ka dhacay degmada Ceel-afweyn .
Guddoomiyaha oo ka hadlay xarumaha waxbarsho ee ay saameeyeen dagaallada sokeeye ayaa sheegay in dagaal sokeeye laga heshiiyo laakiin aan loo baahneyn iney waxbarashadu istaagto, bahda waxbarashudan aaney ahayn iney ku milmaan dagaalada sokeeye.
“Dhamaantayo waxaanu aad uga xunahay 19 iskuul oo degmada Ceel-afweyn ah oo aan waxbarashadu ka socon, shaqaaqadii ka dhacay labada beel ee walaalaha ah darteed, wixii dhintay iyo wixii dhaawacmay waxaan Illaahay uga baryaynaa inuu samir iyo iimaan naga siiyo. waxaan halka ka ogeysiinaynaa macalliminiinta iyo ardaydaba inaaney ku dhex qasmim falalka noocaas ah, waayo rabshad kasta waxaa ka dameysa waa la heshiiyay, marka aan hubsanno arrimaha nabadgalyada oo aan kala tashanney badhasaabka (Duqa), iskuulada nooga furan Ceel afweyne oo 31 iskuul ahayd 9 iskuul baa nooga shaqeeya intii kale waxay u xidhan yihiin rabshadihii dhacay” ayuu yiri guddoomiyuhu.




From the comments