Wararka ka imaanaya deegaanka Muuri ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in guryahooda lagala baxay 7 qof oo shacab ah maalin un kadib markii halkaasi qarax lagula eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM.
Dadka ku sugan deegaankaasi qaarkood oo la hadlay Goobjoog News waxay inoo sheegeen in dadkan xalay lagala baxay guryahooda islamarkaana aysan garaneen cidda dadkaasi la baxday iyo sidoo kale halka dadkan loo watey.
Deegaanka Muuri waxaa habeenkii maamula Xarakada Al-shabaab, halka maalintiina ay ku sugan yihiin ciidamo la sheegay inay ka mid yihiin dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.




From the comments