Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukunno kala duwan waxa ay ku riddey 54 qof oo ka mid ahaa dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo gacanta ugu jirey Puntland.
C/xakiin Xasan Firdhiye oo ah xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa u sheegay warbaahinta in 28 ka mid ah ragga la xukumay ay da’dooda u dhaxeyso 15 illaa iyo 18-sano jir, laguna xukumay xabsi u dhaxeeya 15 illaa iyo 20 sano.
Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in maxkamadda ay xukuntay 26 ka mid ah carruur ka barbar dagaallameysay Al-shabaab, islamarkaana da’doodu u dhaxeysa 10 illaa iyo 15 sano jir kuwaa oo iyagana maxkamadda go’aamisey in dhaqan celin loo sameeyo maadaama aaney qaangaar ahaan.




From the comments