U bood dhigaalka

Dowladda Ingiriiska Oo Sheegtay In Ay Kordhin Doonto Ciidankeeda Ka Jooga Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku kordhin doonaan ciidankeeda ka jooga Soomaaliya si loo xoojiyo dagaallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Theresa May ayaa hadal dhinacyo badan taabanaya waxay ka jeedisay shirkii 71-aad ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay, waxaana ay ka hadashay arrimo badan oo Soomaaliya ah.

Theresa ayaa sheegtay in dowladeeda taageero xooggan u fidin doonto Soomaaliya, islamarkaana ay hadda diyaar u yihiin in ay Labo laabaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Beesha caalamka ayeey sheegtay in sidoo kale iyaguna looga baahan yahay iney xoojiyeen taageerada ay siiyaan Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay iney ka xoojiyaan sida ay hadda tahay.

Mar ay ka hadashay Theresa arrinta ku aadan weerarada lagu qaado saldhigyada Al-shabaab ee gudaha dalka ayeey tilmaantay iney aad u jeclaan lahaayeen iney noqdaan hormuudka ku fulinta weeraradaasi.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa hoosta ka xariiqday in muhiim ay tahay in la qabto shirweyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, islamarkaana dhaqaale loogu uruurinayo dadka Soomaaliyeed.

Goobjoog News