Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay goobjoog News ayaa sheegay in odoyaasha dhaqanka Baladweyne ay go’aan ku gaareen iney sameeyaan maamul Hiiraan u gaar ah, shirka maamul sameynta ee Jowhar ka socdana waxa uu ku tilmaamay mid la doonayo in xildhibaanno lagu boobo oo kaliya ee aanuu niyad wanaag ku jirin.
Xildhibaanka ayaa ugu horreyn faahfaahiyay shir ka dhacay magaalada Baladweyne oo lagu gaaray go’aan maamul loo dhisayo Hiiraan, waxaanuu yiri:
“Maanta waxaa dhacay wax lama filaan aan ahayn laakiin aad iyo aad u quruxbadnaa, qeybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan oo ku nool magaalada Baladweyne, hadday tahay ugaasyadooda, nabadoonadooda, haddey tahay samadoonada, waxgaradka iyo maamulka gobolka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka iyo dad siyaasiyiin ah oo kale oo aniguba aan ka mid ahaa meeshaas ayaa la iskugu yimid, waxaa laga soo jeediyay khudbado la xiriira maamul u sameynta iyo waxan ay dowladdu tiri maamul baa laga sameynayaa Jowhar, kadib waxaa duubabku go’aan ku gaareen in Hiiraan ay sameystaan maamul goboleed Gaar ah, howshaasna ay ka howlgalaayaan muddo gaaban gudaheed”.




From the comments