Maanta waxaa magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal saxaafadda kula hadlay guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland, iyaga oo ka hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka xildhibaannada aqalka hoose.
Faadumo Cabdi Warsame (Faadumo Qaran) oo xubin ka ah guddigan ayaa war-saxaafadeedka ay soo saareen guddigan u akhrisay warbaahinta, ayaa sheegtay in waxgaradka laga doonayo iney fuliyaan go’aannadii kasoo baxay shirka madasha.
Waxa ay tilmaantay Faadumo in Beelaha laga doonayo in Saddexdii kursiba mid haweenka ay siiyaan, islamarkaana beelaha aan kuraasta badan qabin iyaguna sida ay isugu dhow yihiin looga doonayo qoondada haweenka.




From the comments