U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir: Cidna Uma Ogolin Taako Ka Mid Ah Dhulka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Kumanaan qof oo banaanbaxayaal ah ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo muujinayey sida ay ku diidan yihiin hamiga Kenya ee sheegashada Badda.

Dadkan oo socod kusoo maray meello badan oo Muqdisho ah ayaa watey boorar ay ku qoran yihiin hadallo qiiro leh oo ay ku diidan yihiin damaca Kenya.

Dibadbaxan waxaa soo qaban qaabiyey maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiinta maamulkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo halkaasi hadal  ka jeediyey ayaa sheegay in  marnaba dhulka Soomaaliyeed aanu gorgortan geli karin.

Waxa uu tilmaamay in badbaadinta dhulka Soomaaliyeed ay u huri doonaan dhiigooda iyo sidoo kale hantidooda.

“Dhaxalkeena iyo dhaxalka ubadkeenna cidna kama iibsaneyno, gor gortan ma geli karo haddii uu bad, Bari iyo hawo yahay, taako dhulka Soomaaliyeed ka mid ah cid aan u ogolaaneyno malahan, dhiigeenna, maalkeenna, waqtigeenna ayaan u hureynaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa rajo aad u wanaagsan ka muujisay in dacwadda hadda ka socota maxkamadda ICJ ku guuleysato Soomaaliya.

Goobjoog News