Guddoomiyaha degmada Diinsor ee gobolka Baay Ibraahim Shigshigow oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka warbixiyey xaaladda degmadaasi iyo sidoo kale howlgallo ay ciidanka Koonfur Galbeed ka sameeyeen degmada Diinsoor.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay in ciidamada ay howlgalkaasi kusoo qabteen rag ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana ay ku jiraan xabsiga degmada Diinsoor.
Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in maamulkooda isku soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab, balse ma uusan sheegin magaca sarkaalkan iyo waxa uu Al-shabaab u qaabilsanaa.




From the comments