Maamulka magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in ay aad u adkeeyeen amniga guud ee magaaladaasi, kadib markii ay casbi uga timid dhanka Xarakada Al-shabaab.
Guddoomiyaha degmadaasi Fredrick Shisia ayaa sheegay in ciidamada amniga ee magaaladaasi heegan buuxa la geliyey, maadaama ay ka baqeen weeraro Al-shabaab ay ka fuliyaan Mandhera.
Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in ciidamada Al-shabaab ay hadda isticmaalayaan gaadiid iyo darees ciidan oo dagaal uga qaateen ciidanka Kenya, sidaa darteedna ay isku soo ekeysiin karaan ciidamada Kenya.




From the comments