Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo amniga lagu sugayey waxay maanta ka sameeyeen xaafadda Kooshin ee magaalada B/weyne.
Ciidamadan oo isugu jira Booliis iyo Milatari ayaa la sheegay iney ku faafeen xaafaddaasi, waxaana ay soo qabteen rag u badan dhallinyaro.
Howlgalladan ayaa daba socda dil habeenkii xalay ahaa xaafadda Kooshin ee B/weyne loogu geystay Ganacsade lagu magacaabayey Daahir Mahad Alle.




From the comments