Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in xiildhibaan aan lagu dooran gobolkaasi aanu matali doonin gobolka Hiiraan, islamarkaana wakiil uga noqoneyn dowladda dhexe ee dalka.
Dabageed ayaa sheegay in magaalada Muqdisho lagu hortaagan yahay guddiga doorashada heer dowlad goboleed gaar ahaan Hiiraan oo uu tilmaamay in isaga uu magacaabay.
“Waxaan leeyahay caqabadda lagu hayo guddiga doorashooyinkaa gobolka Hiiraan oo aan aniga magacaabay intana ka diray looguna talogalay in gobolka wax kusoo dhisaan Xamar nimanka ku hortaagan kahor wareegga, Xamar wax lagu dhisay annaga wakiil nooma ahan, beesha caalamkana wey ogtahay, xildhibaannada kuwa rabow inta imaada, inta nin aan lagu dooran wakiil noogama noqon kara dowladda dhexe” Dabageed ayaa sidaasi yiri.




From the comments