Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dileen nin ganacsade ah, iyaga oo sidoo kale dhaawacay wiil uu dhalay ganacsadahaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay rasaas ku fureen ganacsadahan magaciisa lagu soo koobay Daahir iyo wiilkiisa oo ku sugnaa xaafadda Kooshin, islamarkaana markii ay weerarka geysteen kadib goobta ka baxsaday.
Ciidamada ammaanka oo dilka kadib gaaray halkaasi ayaa billaabay baaritaanno ay ku dabagalayeen dadka dilkaasi ka dambeeyay.




From the comments