Sheekh Sharif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu muddo ka maqnaa dalka.
Sharif oo hadal u jeediyay taageerayaashiisa ayaa u mahadceliyay guddiga qaban-qaabada, hey’adaha amniga iyo bulshada sida ay uga qeyb qaateen soo dhaweyntiisa dhowr sano kadib uu dalka ka maqnaa.
Sheekh Sharif oo laga filayey in uu murashaxnimadiisa ku dhawaaqo ayaa taageerayaashiisa u qabtay ballan kale uu ugu sheegayo waxa jira iyo arrimaha uu damacsan yahay.




From the comments