Maxkamadda ICJ ee ku taalla magaalada Hague ee dalka Holland waxaa weli ka soconaya dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya taasi oo ku aadan arrimaha badda.
Maanta oo Jicmo ah ayaa lagu wadaa in Soomaaaliya ay mar kale hadal ka jeediso maxkamadda, waana maalintii Labaad oo Soomaaliya ay hadleyso.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo ku sugan Hague ayaa u sheegay warbaahinta in Soomaaliya ay ku taagan tahay dhabo xaq ah, islamarkaana dacwaddan ay ku guuleysan doonto.




From the comments