Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo daah-furayey shir heer qaran ah oo haweenka Soomaaliyeed ay kaga arrinsanayaan hirgelinta qoondada boqolkiiba 30 ee haweenka ku leeyihiin goleyaasha qaranka doorashada dhowaan dhici doonta, ayaaa mar kale haweenka ku taageeray helista qoondada ay ku leeyihiin goleyaashaasi.
Khudbad uu munaasabaddaasi ka jeediyay Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay dadaalka wadajirka ah ee haweenka ku doonayaan inay kaalin kaga cayaaraan siyaasadda, hoggaanka iyo dib u dhiska dalka.
“Haweenka waxay door weyn ku leeyihiin dalka, mana jirto cid xaqiri kara xuquuqdooda. Waxan idin kula talinayaa inaad xuquuqdiina ku raadsataan waddo nadiif ah oo wax dhisaysa, lagana fogaado qabiilka siyaasadeysan iyo in si khaldan bulshada loo kiciyo, waayo waxay tallaabooyinkaasi noo horseedi karaan colaad , burbur iyo dib u dhac’’, ayuu yiri Madaxweynaha.




From the comments