Maxkamad ku taalla dalka India ayaa dil Toogasho ah waxay ku xukuntay 50 qof oo ka mid ahaa 119 ruux oo loo soo qabtay falal la xiriira burcad badeednimo, kadib howlgallo ay ciidanka dalkaasi ka sameeyeen badda India Ocean intii u dhaxeysay sanadihii 2001 illaa 2012.
Dadkan la xukumay ayaa la sheegay iney qirteen dambigooda, iyaga oo sheegay in lasoo qabtay xilli ay ku guda jireen falka burcad badeednimada ah, laguna eedeeyay iney geysteen dil.
Mid ka mid ah raggan la xukumay oo magaciisa la yiraahdo Bishaar Xuseen oo qirtay dambigiisa ayaa yiri “waxaan halkaan uga caddeynayaa inaan geystay dambiga la igu soo eedeeyay, waxaana ogahay qiraalkaasi aan sameynayo natiijada ka dhalan karta waxaana diyaar u ahay inaan wajaho wax walbo oo la igu xukumo”




From the comments