Dibadbax ballaaran ayaa haatan waxa uu ka soconayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasi oo looga soo horjeedo xukun dil ah oo dowladda India ku riddey 50 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.
Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa sheegay in ay aad uga naxeen markii ay maqleen dadkoodii ku xirnaa India oo hadane la sheegay in la dilayo.
“Magacaygu waa C/laahi Sheekh Xasan Jilba Weyne oo kamid ah abwaanada Soomaaaliyeed, waxaan qoraxda u taagannahay oo adduunyada u sheegeynaa in dadkeen si been abuur ah loo xiray, waa la qiyaanay oo waxaa la dhahay waa la idiin sii deynayaa oo saxiix laga qaaday hadane la dhahay waa la idin dilayaa, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka codsaneynaa in arrintaasi ka hadlo noo soo daayo dadkeenna”




From the comments