Maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in wada shaqeyn buuxda ay kala dhaxeyso shacabka ku dhaqan demadaasi.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulka degmadaasi Bashiir Maxamed Yuusuf oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in amniga degmada uu wax badan iska bedalay, islamarkaana shacabka ay sheegaan cid walbo oo amniga wax u dhimeysa.
Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in dhammaan dadka ay u xiraan ka shaqeynta amni darrada ay soo sheegaan shacabka, sidoo kalena haddii shacabku arko qaraxyo la aasey ama wax la mid ah ay maamulka lasoo wadaagaan waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments