Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka hadlayey kulan ay isugu yimaadeen Odoyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin ayuu is weydiiyey suurtagalnimada in haweenka ay helaan 30%, Doorka odoyaashana dowladda aaney ifin.
Waxa uu tilmaamay in macquul aaney ahayn in dumarka la tixgeliyo, dowladana ay gabtay doorka odoyaasha Soomaaliyeed.
“Doorka dhaqanka Soomaaliyeed waa laga gaabiyey, waa su’aal meesha taal, ma iyagaa ka gaabiyey mise dowladaha is daba jooga, waanan aqbaleyn oo dhaqanka Soomaaliyeed oo odoyaasha qaban, hablaha in la tixgeliyo Odaygana laga tago dhaqanka Soomaaliyeed kamid ma ahan, Islaamkana ma qabo, meel i slaantu ku xusantahay Odaygana ku xaqiran yahay macquul ma ahan, Odoyaasha dhaqanka talada dalka marti kama ahan, waxaan kula talineynaa Dowladaha midda hadda joogta iyo tan imaan doonta iney Odoyaasha ku yeeshaan door muhiim ah” ayuu yiri Xaad




From the comments