Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar ayaa sheegay in guushii ka dhalatay iskaashiga ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa iyo keentay in Militeri ahaan laga awood roonaado xarakada Al-shabaab.
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in xarakada Al-shabaab ay hadda gacanta ku hayaan in ka yar boqolkiiba Toban dalka, iyadoo hoggaamiyeyaal badan oo xarakada ka tirsanaa la dilay amaba ay isaga baxsadeen neelihii ay joogeen bilihii ugu dambeeyey.
Wasiir Hadliye oo ka hor hadlayey kulanka heer wasiir ee golaha ammaanka kaas oo ah sanadle ayaa ka dhawaajiyey in xarakada Al-shabaab ay hadda beegsadaan oo keliya goobaha jilicsan islamarkaana si dhuumaaleysi ah weeraro uga geystaan dalka iyo waddamada deriska la ah.




From the comments