Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidankooda ay weerar ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo ay sheegeen iney isku uruursanayeen deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug, waa sida ay hadalka u udhigeenne.
Isu duwaha wasaaradda warfaafinta Puntland ee gobolka Mudug Cabdinaasir Badel Khaliif oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidankooda gaarka u tababaran ay weerar ku qaadeen halkaasi.
Wuxuu tilmaamay in halkaa ay ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, isaga oo sheegay in halka weerarka ay ku qaadayeen lagu diyaarinayey weerar Al-shabaab kusoo qaadaan magaalada Gaalkacyo.




From the comments