War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Maxamed Cabdi Afey loo magacaabay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsanaan doona arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha qaxooti ee dalka Kenya.
Filippo Grandi oo ah Madaxa Hay’adda UNCHR ayaa sheegay in Maxamed Cabdi Afeey uu noqonayo wakiilka gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsanaan doona qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya markii ugu horreysay.
Ulajeedka loo magacaabay Afey ayaa ah ka warbixinta xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha Dhadhaab, ka warqabka amnigooda iyo si nabad ah ugu celinta dalkooda hooyo.




From the comments