Go’aankii kala qaadista doorashooyinka Somaliland ayaa sababay in deeq bixiyeyaashu si aad ah hoos ugu dhigaan kharashkii doorashada madaxtooyada maamulka lagu geli lahaa.
Dalalka beesha Caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadda maamulka Somaliland ayaa go’aan ku gaaray iney bixiyaan Hal Milyan iyo Bar qura, Sagaal Milyan iyo Bar qorsheysneyd iney ku bixiyaan doorashada isasaaran ee baarlamaanka iyo madaxtooyada maamulka.
Go’aankan ayaa jawaab u ah kii madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ku gaaray inuu kala qaado labada doorasho ee wakiillada iyo madaxtooyada, isagoo iska indho tiray codsigii beesha caalamka ee looga dalbaday inuu dib ula laabto go’aankaas doorashooyinka dibna loogu dhigay doorashada golaha wakiillada maamulka.




From the comments