Wararka ka imaaanaya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa ku waramaya inuu is casilay wasiiru dowlihii madaxtooyada iyo xiriirka caalamig ah ee maamulkaasi Maxamed Cabaas Macallin Cumar.
Mas’uulkan oo si kooban ula hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaan, warqadihiisa is casilaaddana uu ku wareejiyey madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, islamarkaana uu aqbalay.
Waxa uu Mr. Cabaas sheegay in xilkaan uu isaga casilay arrimo isaga u gaar ah, waxa uuna ka gaabsaday in sababta rasmiga ah ee uu shaqadan uga tagey u faah faahiyo.




From the comments