Deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaa Puntland waxaa maanta ka dhacay banaanbax roob doon ah, kaasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Camey iyo wasiiro ka tirsan maamulkaasi ayaa iyaguna qeyb ka ahaa dadkii maanta isku soo baxay, gaar ahaan magaalada Garoowe.
Culimada ku sugan magaalada Garoowe ayaa halkaasi ka duceeyay, waxayna Allah ka baryeen inuu roob u keeno.




From the comments