Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa sheegay in siyaasiyiin qaar ay aamin san yihiin in Somaliland laga maamulin dalka Ethiopia, taasina aaney sax ahayn.
Guddoomiye Faysal oo ka hadlayay xaflad lagu daahfurayay jaamacad cusub oo saldhigeedu yahay dalka Ethiopia magaalada Hargeysa ka furaneysay xarun cusub ayaa ammaaney waxbarashada ka imaneysa dalka Ethiopia isagoo dhanka kale farta ku fiiqay in Somaliland aan laga maamulin dalka Ethiopia sida ay sheegaan siyaasiyiinta qaar; “ Siyaasiyiin ayaa markay Ethiopia diidan yihiin waxay yidhaahdaan Somaliland waxa maamusho Ethiopia, nama maamusho”, waxa uu intaa raaciyay in Ethiopia ay la wadaagaan xuduud dheer oo gaaraya illaa 400 Km, xiriirka ay wadaagaanna uu yahay mid saaxiibtinimo.
Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale ku tilmaamay in nacaybka dad Soomaaliyeed ay u qabaan Ethiopia ay ka bilaabatay deegaannadii Ingiriisku gumaysan jiray gaar ahana Hargeysa ka dib markii Ethiopia loo gacan geliyay dhul Soomaaliyeed, isagoo xusay in maanta dhulkaas dadka Soomaaliyeed ee ku nool ay iyagu is maamulaan.




From the comments