Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf Jibriil oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo aan wareysi gaar ah la yeelannay isagoo jooga dowlad goboleedka Puntland ayaa rajo xumo ka muujiyay in doorashada Soomaaliya ku qabsoonto wakhtigii loogu talogalay.
Xildhibaanka ayaa sheegay sabaha rajo xumada ay ka mid tahay ergada 51 qof ee dooraneysa xildhibaanada oo in logu heshiiyaa ay adag tahay:
“Runtii waxaad mooddaa Soomaaliya inaan loogu talogalin wax doorasho ahba iney ka dhacdo, waxaad mooddaa in loogu talogalay in la is qabqabsado in sidaa la isku haysto in dalku dowlad la’aan noqdo in dhibaato badan dalka ka dhacdo, waxaad mooddaa haddii la arkay Soomaaliya ay ku meelgaarkii ka baxday oo ay yeelatay dowlad rasmi ah oo cageheeda isku taagtay in dib la iskugu diraayo si intaasi meesha uga baxdo, dhibka ugu weyn waxa uu dhacay markii la yiri 51 qof ayaa wax xulaneysa oo aad mooddo jifo-jifo hoose ay noqotay oo jifo kastaa ay tiri anaa maanta xaq u leh oo aan la fiirineyn dowladnimada iyo nidaamkeeda yaa ka bixi kara, dowladdii Soomaaliya maanta waxay iskugu uruurtay jifo hebel baa maanta xaq u leh, waa nidaam qabaa’ilkii aad loogu kala fogeynaayo”.




From the comments