Saxafiyiinta ka hawlglasha gobolka Awdal ayaa sheegay iney samaysanayaan urur saxaafadeed si gaar ah ugu adeega danahooda afkoodana ku hadla, iyagoona ku eedeeyay ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA in waxqabadkiisu Hargeysa oo qura uu ku kooban yahay.
Saxafiyiintan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Borama ayaa waxay sheegeen iney muhiim u arkaan in urur cusub oo saxaafadeed una dooda xuquuqdooda suxufinimo ay taasi caawineyso iney si wanaagsan ugu adeegaan bulshada.
Weriye Nuux Kadiye oo ka mid ah saxafiyiinta gobolka Awdal ayaa sheegay in arrintani ay ku dhalatay ka dib markii ay ku qanci waayeen shaqada ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA oo uu ku tilmaamay mid aan Hargeysa dhaafsiisneyn, waxaanuu yiri, “Hadaanu nahay saxaafadda gobolka Awdal waxaanu rajeynaynaa inaanu sameysanno urur ka baxsan kan SOLJA ee Hargeysa”.




From the comments