Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney dishey dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidanka ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdalla Xuseen Cali oo la hadlayey Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay 14 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ku dileedn duleedka deegaanka Lambar Kontan ee gobolka Shabellaha Hoose.
Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in dagaalyahannada la diley ay wadeen qorshe ah iney weerar ka geystaan deegaanno ka tirsan Shabellaha Hoose, balse ay ciidanka xoogga dalka ay ka hortageen arrinkaasi.




From the comments