Shil khasaare kala duwan geystay ayaa maanta ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.
Gaari nooca loo yaqaan UD islamarkaana xamuul sida ayaa la sheegay inuu ku fariin goostay goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah, waxaana halkaasi ku dhintay Hal qof, iyadoo dhaawac uu soo gaaray qof kale.
Qofka dhintay ayaa ahayd Haweeney la sheegay iney Xaamilo ahayd, waxaana sidoo kale burbur uu soo gaarey xarumo ganacsi oo halkaasi ku yaalla.




From the comments