Magaalada Jowhar waxaa ka soconaya shir maamul loogu sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, kaasi oo ay ka qeybgalayaan ergo badan.
Ergada ka qeybgaleysa shirkan waxay shalay ku dhowaaqeen magaca loo bixinayo maamulkaan cusub, waxayna ugu magacdareen Hir-shabella, waxaana laga soo gaabiyey magacaan Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Sidoo kale waxaa lasoo bandhigay calanka uu yeelanayo maamulkan cusub, waana calan u badan Buluug, leh xidig cad, dhinacna ku leh doog cagaaaran oo Saddex gees ah, geedna ku yaalla, webina uu marayo.





From the comments