Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in 7 qof oo shacab ah ay ku dhinteen madaafiic ay AMISOM ku tuureen deegaan ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.
Hoobiye ay tuureen ciidamada AMISOM ayaa ku dhacay hooy ku yaalla duleedka degmada Jannaale gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Farango, waxaana halkaasi ku dhintay 7 qof oo isku qoys ah, iyadoo Labo kale ay ku dhaawacmeen sida ay Goobjoog News u sheegeen dadka deegaanka.
Sido kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa inoo xaqiijiyey jiritaanka dhacdadan.




From the comments