Wasiirka maaliyadda Somaliland marwo; Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay iney xallisay khilaaf u dhexeeyey ganacsatada qaadka Borama iyo waaxda cashuuraha ee Borama.
Wasiir Samsam oo booqasho ku tagtay Borama maalinimadii shalay ayaa sheegtay iney waaxda cashuuraha dawlada hoose ee Borama ay ku soo rogtay qaadleyda in cashuurta lagaga qaado Boosteejada laga soo galo magaalada ee dhinaca Wajaale xiga, halkaas oo ay sheegtay in qaadleydu ka cabneyso in iyaga oo aan wali soo saarin macaashkii lacagta ay dawladda hoose lacagta ka sii horumarsanayso taasina ay keentay iney cabasho xoog leh ka keenaan.
Wasiirka waxay sheegtay in hadda ay ku soo celisay nidaamaka sidii hore ee cashuurta lagaga qaadi jiray Qaadleyda oo aheyd In lacagta habeenkii laga ururiyo, waxayna tiri” Hadda sababta aan Borama u imid waa inaan xalliyo khilaafkaasi oo waaxda cashuuruhu bilawday iyada oo ka qaadday lacagta waqti ay sheegeen Qaadleydu ineysan ku haboonayn hadda waan xallinay “.




From the comments