Weerar sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa saq dhexe xalay waxa uu ka dhacay magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.
Rag hubeysan ayaa la sheegay in weerar ku billowday qaraxyo ay ku qaadeen meel ay deganaayeen dad aan u dhalan deegaanka, balse Kenyan ah, waxaana la sheegay in halkaasi Lix Qof ay ku dhimatay, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.
Saraakiisha ciidamada Booliiska ee magaalada Mandhera ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta in ay soo badbaadiyeen dad gaaraya 20 qof, iyadoo laga yaabo khasaaraha in uu intaasi ka bato.




From the comments