Warbixin dhawaan kasoo baxday Bangiga Adduunka ayaa sheegeysa in saboolnimada ba’an ay si habsami leh hoos ugu dhacday dunida oo dhan, laakiin ol’olihii la doonayay in noocan sabaalnimada ah lagu dabar jaro sanadka2030 uu la soo gudboonaaday dhibaatooyin salka ku haya farqiga sii kordhaya ee dhanka dhaqaalaha.
Warbixintan oo soo baxday 2 October 2016, cinwaanna looga dhigay ‘Saboolinimada iyo qeybsiga Kheyraadka’ ayaa lagu sheegay in 767-milyan oo qof ayaa wali ku jiraan saboolnimo ba’an, kuna nool 1.90 dolar maalintii, dadkaas qeyb ka mid ah waxay ku noolyihiin waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya, sida ay xoqta sheegayso.
Tirakoobkan ayaa lagu sheegay in hoos u dhac 12% uu ka jiro dunida oo dhan ayna boqolaal milyan ka faa’ideysteen hiigsiga 2030 ee lagu dabar jarayo saboolnimada ba’an ee dunida.




From the comments