Xaalad deganaansho ah ayaa saakay oo Khamiis ah laga soo sheegayaa deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud, halkaas oo shalay ay ku dagaallameen ciidamada NISA iyo maleeshiyaad hubeysan.
Ma jirto wax dagaal ah oo laga soo sheegayo deegaanka Godinlabe, waxaana Koontaroolka Koonfureed ee deegaankaasi yaahay mid xasilloon.
Dagaalkii shalay dhacay ayaa ku billowday kadib markii ciidanka NISA ee Galmudug isku dayeen in Maleeshiyaad Isbaaro dhiganayey ay halkaasi ka qaadaan.




From the comments