Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar habeenkii xalay ahaa ay rag hubeysan ka geysteen magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.
Abaare 2:45 ee xalay ayaa rag loo maleynayo iney ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab waxay weerareen meel ay deganaayeen dad aan u dhalan deegaanka, iyadoo weerarka uu ku billowday qaraxyo.
Inta la xaqiijiyey 6 Qof ayaa geeriyootay tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Mandhera.








From the comments