Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu saakay oo Jimco ah ka billowday dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug.
Dagaalkan ayaa ka socda xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo, waxaana la sheegay in la isku qabtay saldhig ciidan oo Puntland dooneysay iney ka dhisato xaafaddaasi.
Dad ku sugan halka dagaalka uu ka dhacay ayaa Goobjoog News u sheegay in weerarka dagaalkan ay lahaayeen ciidamada Puntland oo shalay laga joojiyey dhismaha saldhigga.




From the comments