Shirkii golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo ku beegnaa 10-ka bishan October ayaa muddo sagaal maalmood ah dib loo dhigay si xisbigu soo dhaweyn ugu sameeyo Laba garab oo ka mid ahaa siyaasiyiin miisaan ku leh Somaliland oo ku soo biiraya xisbiga.
Qoraal kooban oo ka soo baxay xarunta dhexe ee xisbiga ayaa sheegaya in xisbigu soo dhaweyn ballaaran u samayn doono masuuliyiinta ka kala tirsan garabkii hore uga soo go’ay xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ee uu hogaaminayo wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaga hadda loo magacaabayo sida uu sheegay Guddoomiyaha xisbiga Waddani iyo xubnow kale oo ka kooban toban kuwaasi oo uu hogaaminayo Pro Ismaaciil Hurre Buubaa oo isagu hore xilka wasiirka arrimaha dibadda uga soo qabtay Soomaaliya asaaskii Somaliland ka soo noqday wasiirka maaliyadda.
Sidoo kale xisbigu waxa uu sheegayaa in dad kala duwan oo labadan garab taageerayaasha u ah oo ka kala imanaya gobollada Somaliland ay kala soo qaybgeli doonana xafladda soo dhaweyanta ah .




From the comments